(Paris) 27 Feb 2018. Waxaa la shaaciyay in Neymar uu dhib ka gaaray canqowga isla markaana uu ka jabay lafaha cagta.
Waxaa xigay in la sheegay in qaliin la marsiiyay isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono labo bilood iskaba dhaafee kulanka Real Madrid ee 7-maalmood kaddib la ciyaari doono.
Yeelkeede, waxaa wararkaasi beeniyay iminka tababaraha PSG ee Unai Emery oo sheegay inaan wax qaliin ah la marsiin wiilka reer Brazil isla markaana uusan labo bilood garoomada ka maqnaan doonin.
“Waa been wararka sheegaya in qaliin lagu sameeyay Neymar,” Tababaraha PSG ayaa sidaa yiri.
“Waxaan saakay oo talaado ah la hadlay Dakhtarka wuxuuna ii sharaxay waxa ay yihiin tijaabooyinkii la marsiiyay.
“Waxaan sidoo kale midaa kala hadlay Antero (Henrique), Madaxwanaha iyo waliba ciyaaryahanka.
“Neymar wuxuu doonayaa inuu ciyaaro kulan kasta, Kulanka Real Madrid aad ayuu diirada u saarayaa.
“Waxan aaminsanahay inuu jiro dooq yar uu diyaar ugu noqon karo kulanka.”.
Gool FM.