(Paris) 27 Feb 2018. Neymar ayaa garoonka Bareelo looga saaray kulankii ay PSG ka adkaatay Marseille, balse dhaawiciisa ka hor laacib ka ciyaari jiray Premier League ayaa ugu goodiyay inuu dhaawici doono.
Sheekadan waxaa daaha ka rogay kabtanka PSG ee Thiago Silva kaa oo sheegay in laacibkii hore ee West Ham Dimitri Payet uu saaxiibkii ugu goodiyay inuu dhaawacayo.
“Waa Ceeb. Payet wuxuu Garsooraha u sheegay inoo doonayay inuu dhaawoco Neymar, waxaasi kama mid ahan kubbada cagta.” Silva oo carreysan ayaa sidaa ku waramay.
Sideed jeer ayaa qalad lagu galay laacibka ugu qaalisan adduunka ka hor inta uusan ugu dambeyn isku dhaawicin mar uu gadaal ka raacanayay Bouna Sarr.
Laakiin sida uu sheegayo Silva in Payet uuba qorsheenayay inuu dhaawoco Neymar ka hor inta uusan dhibkuba gaarin.
Wiilka reer Brazil ayaa iminka la warinayaa in qaliin lagu sameeyay isla markaana uu labo Bilood garoomada ka maqnaan doono waloow uu warkaas dhawaan beeniyay tababaraha kooxda reer France oo sheeganaya inuu diyaar u noqon karo kulanka Real Madrid.
Gool FM.