(Paris) 27 Feb 2018 Rafaella Santos oo ah gabadha la dhalatay Neymar ayaa lagu soo eedeeyay inay ka danbayso dhaawaca walaalkeed.
EuroSports ayaa si faah faahsan uga hadlay sababta ka danbaysa dhaawaca Neymar ee sanad walba ku soo aada dhamaadka February iyo bilowga Maarso.
Sida lagu sheegay warbixinta, Neymar ayaa looga bartay sanadihii u danbeeyay inuu wax uun sameeyo si uu u seego kulamada kooxdiisa isla markaana si raaxo leh uu uga qayb qaato xaflada dhalashada walaashiis ee Rafaella Santos.
Gabadhaan 21 jirka ah ayaa u dabaal dagaysa dhalashadeeda 22-aad 11-ka bisha Maarso, Neymar ayaana haatan fursad fiican u helay inuu ka qayb qaato xaflada dhalashada walaashiis kadib dhaawicii kulankii Marseille.
Hadaba aan dib u raacno wax yaabihii uu sameeyay Neymar sanadihii u danbeeyay si uu fursad ugu helo dhalashada walaashiis:
2016-2017: Xiliciyaareedkii hore waqtigaan oo kale, Neymar ayaa dhaawac ku seegay kulan Barcelona ay la ciyaartay Deportivo, sidaas ayuuna uga qayb qaatay xaflada dhalashada walaashiis.
2015-2016: Neymar ayaa ganaax ku seegay kulan Barcelona ay la ciyaartay Eibar kadib markii uu qaatay jaalihiisii 5-aad kulankii ka horeeyay ee Rayo Vallecano, sidaas ayuuna fursad ugu helay inuu ka qayb qaato dhalashada walaashiis.
2014-2015: Neymar ayaa ganaax ku seegay kulan Barcelona ay la ciyaartay Rayo Vallecano kadib markii uu qaatay jaalihiisii 5-aad kulankii ka horeeyay ee Granada, sidaas ayuuna fursad ugu helay ka qayb galka xaflada dhalashada walaashiis.
2013-2014: Waa xiliciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Barcelona, tababare Tata Martino ayaa go’aansaday inuusan ciyaarsiin kulan kooxdu ay la ciyaaraysay Osasuna, laacibka ayaana looga soo tagay keydka.
Gool FM