(Paris) 28 Feb 2018 Aabaha dhalay Neymar ayaa ka hadlay dhaawicii soo gaaray wiilkiisa kulankii Marseille, markaas oo bareelo looga qaaday garoonka.
Aabaha dhalay Neymar ayaa ka hor yimid hadalkii tababare Unai Emery ee ahaa inay suurogal tahay in laacibku uu ka hortago Real Madrid.
Neymar Aabihiis ayaa sheegay in PSG ay sifiican u ogtahay xaalada haatan uu ku suganyahay wiilkiisa, wuxuuna intaa ku daray inuusan u ciyaari doonin kooxdiisa 6 ilaa 8-isbuuc oo noqonaysa laba bilood.
“PSG sifiican ayeey u ogyihiin inaysan ciyaarsiin karin Neymar 6-da ilaa 8-da isbuuc ee soo socota” ayuu yiri Aabaha dhalay Neymar.
Waxaa la waydiiyay in wiilkiisu uu marayo qaliin, wuxuuna ku jawaabay:
“Go’aanka qaliinka waxaa iska leh PSG, waxaana la gaari doonaa go’aankaas marka uu Paris soo gaaro dhaqtarka gaarka ah ee xulka Brazil”.
“Waxa kaliya ee muhiimka ah ayaa ah in si dag dag ah loo qaato go’aanka qaliinka, waayo qaliinka ayaa si dhaqso ah uga bogsiin kara dhaawicii soo gaaray”.
Gool FM