(Paris) 28 Feb 2018 Dhaawicii soo gaaray Neymar ayaa isku dhac ka dhex abuuray kooxdiisa PSG iyo xiriirka kubadda cagta Brazil.
PSG ayaa doonaysa inay ciyaarsiiso Neymar kulanka lugta labaad ee Real Madrid xili laacibku uu qabo dhaawac kaas oo halis galin kara ka qayb qaadashadiisa koobka adduunka sida uu baahiyay wargayska Sport.
Xiriirka kubadda cagta Brazil ayaa si dag dag ah Faransiiska ugu diray dhaqtarka gaarka ah ee xulka Brazil, si uu u kala cadeeyo nuuca dhaawac ee uu qabo Neymar.
Dhaqtarka ayaa xaqiijiyay in Neymar uu dhaawac ka qabo anqowga kaas oo tararsan, xiriirka kubadda cagta Brazil ayaa dalbanaya in laacibka uu maro qaliin taas oo ay ka soo horjeedo kooxdiisa PSG.
Labada dhinac ilaa haatan wax heshiis ah islama gaarin, xiriirka kubadda cagta Brazil ayaana dib u dhigay magacaabista liiska ciyaartoyda uga qayb galaya koobka adduunka maadama aan la hubin xaalada Neymar.
Gool FM