Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Taageerayaasha PSG oo hurdadii u diiday ciyaartoyda Real Madrid ka hor kulanka CAAWA (MUUQAAL)

$
0
0

(Paris) 06 Maarso 2018 Taageerayaasha kooxda PSG ayaa hurdadii u diiday ciyaartoyda Real Madrid ka hor kulanka caawa ay wada ciyaari doonaan labada kooxood.

Saqdii dhexe ee xalay, qaar kamid ah taageerayaasha PSG ayaa buux dhaafiyay hareeraha Hotel-kii ay dageen shalay ciyaartoyda Real Madrid sida ay baahisay Marca.

Inkabadan 50 taageere oo ka tirsan PSG ayaa yimid hareeraha Hotelka, waxayna bilaabeen inay ku qayliyaan ereyo lid ku ah Real Madrid si ay hurdada ugu diidaan ciyaartoyda.

Balse booliiska magaalada Paris ayaa isku gadaamay Hotel-ka si looga dheereeyo taageerayaasha caraysan kuwaas oo laga cabsaday inay wax yeeleeyaan ciyaartoyda Real Madrid.

Xeeladaan ayaa ah mid ay ugu talo galeen inay ku cabsi galiyaa ciyaartoyda Real Madrid isla markaana ay ku abuuraan hurdo la’aan si aysan ugu suurogalin inay qaab ciyaareed fiican soo bandhigaan kulanka caawa.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles