(Paris) 07 Maarso 2018 Weerar yahanka kooxda Nice ee Mario Balotelli ayaa u jawaabay daafaca PSG ee Dani Alves kaas oo si jees jees ah uga hadlay geeridii ku timid Davide Astori.
Kabtankii Fiorentina ayaa axadii si lama filaan ah u geeriyooday, bahda ciyaaraha adduunka ayaana soo muujiyay sida ay uga xunyihiin.
Dani Alves ayaa la waydiiyay waxa uu ka leeyahay geeridii ku timid Davide Astori, wuxuuna sheegay in malaayiin caruur ah minco daro ay u dhintaan maalin walba isla markaana aysan jirin cid buun buunisa, wuxuuna intaa ku daray in Astori uusan garanayn balse uu ogyahay in qof walba uu dhimanayo.
Hadalkaas waxaa ka carooday Mario Balotelli kaas oo muuqaal uu soo dhigay Instagram-ka ku yiri:
“Qalad ma ahan wixii uu yiri Alves, laakiin waxaa haboon in naftiisa uu ku dabaqo ra’yigaas waqti xaadirkaan, waxay ahayd kaliya inuu ehelkiisii u tacsiyeeyo laakiin ma ahayn inuu ku hadlo hadalkaas xun”.
“Suurogal ma ahan in qof uu ku hadlo hadaladaas kadib geeri ku timid qof kale, dhab ahaan Astori wuxuu ahaa nin fiican oo edeb leh, waxaan sidaas u leeyahay waayo xulka ayaan kuwada ciyaarnay”.
“Waan ka xumahay waayo ma aadi karo duugtiisa maalinta khamiista oo waxaan leeyahay tababar”.
“Astori si lama filaan ah ayuu ku dhintay, inkasta oo ciyaartoyda la marsiiyo baaritaan caafimaad oo joogto ah, waa wax laga cabsado, sariirtiisa ayuu jiifay, wuuna fiicnaa, laakiin waa wax iska fudud inaad aragto adiga oo samada sii koraya (geeriyoonaya)”.
Gool FM