(Paris) 07 Maarso 2018 Mustaqbalka Neymar ee kooxda PSG waxaa ku jira mugdi kadib markii kooxda xalay laga reebay koobka horyaalada yurub.
Daafaca PSG ee Marquinhos ayaa xaqiijiyay in Neymar uu ku dhawyahay inuu ka tago kooxda isla markaana uu ku biiro kooxda Real Madrid.
Marquinhos ayaa sheegay inuu ka codsaday Neymar inuu sii joogo PSG waliba waqtigaan xasaasiga ah oo loo baahanyahay in gacmaha la is qabsado.
Kadib guul daradii ka soo gaartay xalay kooxda Real Madrid ayuu yiri Marquinhos:
“Waxaan ka codsaday Neymar inuu sii joogo PSG, waqtigaan oo kale waxaan u baahanahay inaan hal gacan ahaano, waxaa haboon in kulamadaan oo kale aan wax ka barano”.
“Neymar waa laacib aad muhiim noogu ah anaga, dhabtii waa xiliciyaareedkiisii ugu horeeyay ee PSG, wuxuu leeyahay hami, waa mid kamid ah ciyaartoyda ugu fiican kubadda cagta”.
Neymar ayaa aad loo la xiriirinayaa kooxda Real Madrid, waxaana jira heshiis laacibka uu ugu wareegayo kooxda boqortooyada Spain xaggaaga 2019.
Gool FM