(Barcelona) 10 Maarso 2018 Wargayska Mundo Deportivo oo xiriir xoogan la leh maamulka Barcelona ayaa shalay baahiyay in Neymar uu kooxdiisii hore waydiistay in dib loo soo celiyo.
Xiddiga reer Brazil ayaa raali galin ka bixiyay qaabkii uu ugu gacan sayray talada asxaabtiisii hore ee Barcelona oo ka codsaday waqtigaas inuusan ka tagin kooxda.
Tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa la waydiiyay sida uu u arko in Neymar dib loogu soo celiyo kooxda, wuxuuna yiri:
“Ma garanayo halka aad ka keenteen warkaas, naga dhaafa warar suuqeedka”.
Inkasta oo uu ka gaabsaday tababare Ernesto Valverde inuu wax badan ka hadlo soo laabashada Neymar, hadana waxaa jira warar sheegaya in laacibku uu qorshaynayo inuu dib ugu soo laabto Camp Nou xaggaaga 2019 haddii Barca ay ogolaato.
Barcelona waxaa haysta laba daran mid dooro, in Neymar uu ku biiro Real Madrid iyo inay dib u soo celiso xiddig si aan fiicnayn uga tagay isla markaana iyaga maxkamad la fuulay, inkasta oo Neymar looga adkaaday maxkamadii uu la fuulay kooxdiisii hore.
Gool FM