(Barcelona) 11 Maarso 2018 Dib u soo laabashada Neymar ayaa dood ka dhex dhalisay ciyaartoyda, maamulka iyo taageerayaahsa kooxda Barcelona.
Laacibka ayaa la sheegay inuu kooxdiisa waydiistay in loo ogolaado fursad uu markale dib ugu soo laaban karo Barcelona oo si aan lala dhicin uga tagay suuqii xaggaaga.
Ivan Rakitic ayaa iska indho tiray wax walba oo horay u dhacay, wuxuuna soo dhaweeyay in xiddiga reer Brazil uu dib ugu soo laabto Barcelona.
“Ma jirto wax uu ii sheegay aniga, laakiin haddii arinku uu yahay mid gacantayda ku jira, waqtigaan la joogo ayaan albaabka u furayaa” ayuu yiri Ivan Rakitic oo ka hadlay soo laabashada Neymar.
“Sidaas uma dhahayo kaliya xiriirka igala dhexeeya ee waa nuuca ciyaaryahan ee uu yahay, Neymar marwalba kooxdayda ayaan ku soo dari lahaa”.
Gool FM