(Madrid) 12 Maarso 2018 Masuuliyiin ka socday kooxda Real Madrid ayaa kulan qarsoodi ah la qaatay aabaha dhalay Neymar iyo laba kamid ah qareenadiisa sida ay baahisay AS.
Maalmo ka hor ayaa la sheegay in kulankaas uu ka dhacay caasimada faransiiska ee Paris, Aabaha dhalay Neymar oo ah wakiilkiisa ayeeyna waydiiyeen qiimaha saxda ah ee Real Madrid ay ku heli karto laacibka reer Brazil.
Aabaha dhalay Neymar ayaa u sheegay Real Madrid in looga baahan yahay bixinta lacag dhan 400 milyan oo euro haddii ay doonayaan in laacibku uu u dhaqaaqo Bernabeu dhamaadka xiliciyaareed kaan.
PSG ayaa ku soo qaadatay Neymar suuqii xaggaaga 222 milyan oo euro, kooxda reer France ayaana doonaysa inay hesho lacag ka badan tii ay ka soo bixisay laacibka, taas oo dhibaato ku ah Real Madrid.
Milkiilaha PSG ayaa dareensan inay adag tahay in Neymar uu sii joogo Faransiiska, wuxuuna dareemayaa inuusan hubin 100% in laacibku uu sii joogayo kooxda taas oo wadada u furaysa inay aqbalaan iibkiisa.
Gool FM