(Barcelona) 13 Maarso 2018 PSG ayaa si xun u gashay Barcelona suuqii xaggaaga markaas oo ay ka qaadatay Neymar oo ay burburisay heshiiskiisa.
Laakiin Barcelona ayaa dhankeeda doonaysa inay ka aarsato PSG, waxayna qorshaynaysaa inay qaab bilaash ah uga soo qaadato laacib muhiim u ah.
Shabakada Don Balon ayaa daaha ka qaaday in madaxwaynaha Barcelona ee Bartomeu uu qorshaynayo inuu PSG ka soo qaadato laacbkooda qadka dhexe ee Adrien Rabiot.
22 jirka reer France ayaa kamid ah ciyaartoyda haatan ugu fiican qadka dhexe, Madaxda PSG ayaanan diyaar u ahayn in laacibka ay iska fasaxaan.
Qandaraaska Adrien Rabiot ee PSG ayaa dhacaya 2019, Barcelona ayaana ku dadaalaysa sidii laacibka ay ugu qancin lahayd inuu iska diido heshiis kordhin la filayo inay u soo bandhigto kooxdiisa.
Barcelona ayaa u aragta Adrien Rabiot inuu yahay badalka ku haboon ee laacibkooda Ivan Rakitic kaas oo haatan ah 30 jir.
Qorshaha Barcelona ayaa ah in Adrien Rabiot ay bilaash ku hesho xaggaaga 2019 markaas oo uu dhacayo heshiiskiisa PSG maadama ay ogyihiin in kooxda reer France aysan ka iibin doonin haddii ay wadahadal la galaan dhamaadka xiliciyaraeed kaan.
Gool FM