(Paris) 17 Maarso 2018 Neymar ayaa balan wayn ka qaaday asxaabtiisa Barcelona taas oo ah inuusan ku biirin kooxda ay cadawga isku yihiin ee Real Madrid.
Tan iyo markii uu suuqii xaggaaga isaga dhaqaaqay garoonka Camp Nou ayaa la faafiyay in laaciku uu ku biirayo Real Madrid.
Laakiin ciyaartoyda Barcelona ayaa isku dayaya inay ka hortagaan in laacibku uu ka soo horjeesto kooxdiisii hore, waxayna taa badalkeeda doonayaan inuu dib ugu soo laabto kooxda taas oo ah mid aad u adag.
Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Neymar uu ka balan qaaday asxaabtiisa Barcelona inuusan ku biirin Real Madrid laakiin wuxuu ku xiray shardi adag inuu fuliyo balantaas.
Shardiga Neymar uu ku xiray asxaabtiisa Barcelona ayaa ah in loo ogolaado inuu dib ugu soo laabto Camp Nou haddii kale laacibku bareeg uma qaban doono inuu ka dago Santiago Bernabeu.
Shardiga Neymar ayaa ah mid aad ugu adag ciyaartoyda Barcelona maadaama maamulka kooxdu uusan doonayn inuu dib u soo celiyo xiddiga reer Brazil.
Gool FM