(Paris) 16 Abriil 2016. Joog dheer Zlatan ayaa dhigay goolashiisii ugu badnaa ee hal xilli ciyaareed kaddib goolkiisii 31-aad ee kal ciyaareedka uu iminka ka dhaliyay kooxda Caen ciyaar iminka socota.
Kaddib markii kooxda ka ciyaarta Ligue 1 laga soo cirib tiray Champions League talaadadii, iyadoo uu niyad jabsanaa kabtanka Sweden ayuu wuxuu midaa uga jawaab celiyay inuu shabaqa tagay 12-daqiiqo kaddib ciyaarta iminka ka soconeysa garoonka PSG ee Parc des Princes.
Goolashii ugu badnaa ee ugu fiicnaa ee Ibra waxay ahaayeen 30-gool uu dhaliyay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay kooxda xilli ciyaareedkii 2012-13, waxaa xigay kal ciyaareed uu dhaliyay 26-gool iyo mid uu dhaliyay 19. Laakiin markii uu ka soo laabtay dhaawac cagta ah oo dhibay wuxuu dhigay rikoodh cusub.
Zlatan ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay ee horyaalka Faransiiska ka dhaliya wax ka badan 30-gool tan iyo Carlos Bianchi 37-gool xilli ciyaareedkii 1977-78, wuxuu sidoo kale u dhaliyay isla kooxda PSG.
FIIRO GAAR AH: Ciyaarta way socotaa Ibra gool kale ayuu dhaliyay ku kalena waa uu ku dari karaa maadaama ay 5-0 ku hogaaminayaan qeybta labaad.
Gool FM.