Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Waddamada Jarmalka iyo Faransiiska oo min 10 ciyaaryahan ku leh afar dhammaadka Champions League

$
0
0

(Yurub) 16 Abriil 2016 – Isku aadka afar dhammaadka tartanka Champions League ayaa shalay la sameeyey, iyadoo ay isugu soo hareen afarta kooxood ee Bayern Munich, Real Madrid, Man City iyo Atletico Madrid.

Waxaa la isku aaddiyey kooxaha Real Madrid iyo Man City, halka qoorta la isku geliyey Atletico Madrid iyo Bayern Munich, haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa labo waddan oo min 10 ciyaaryahan ay uga qeyb galayaan afar dhammaadka Champions League, waana dalalka Germany iyo France.

Germany iyo France ayaana ah waddamada labaad ee xiddigaha ugu badan ay uga qeyb galayaan afar dhammaadka Champions League.

Haddaba halkaan hoose ka eeg France iyo Germany iyo ciyaaryahannada uga qeyb galaya magacyadooda iyo kooxaha ay ka tirsan yihiin:-

10 – France (Bacary Sagna, Samir Nasri, Eliaquim Mangala iyo Gaël Clichy oo ka wada tirsan Man City, Kingsley Coman iyo Franck Ribéry oo safta Bayern Munich, Raphaël Varane iyo Karim Benzema oo ka wada tirsan Real Madrid iyo Antoine Griezmann iyo Lucas oo wada dheela Atletico Madrid.

10 – Germany (Toni Kroos – Real Madrid, iyo dhammaan xiddigaha kale oo ka wada tirsan kooxda Bayern Munich, sida Manuel Neuer, Jérôme Boateng, Mario Götze, Philipp Lahm, Philipp Lahm iyo kuwo kale.

thomas-muller-german-bundesliga-09042016_h8nfjw147lce1cwo6bp4ck1g3

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles