(Paris) 15 Abriil 2016 Kooxda PSG ee dalka France ayaa hogaanka u haysa saxiixa laacibka qadka dhexe ee kooxda Leicester City N’Golo Kante kaas oo ku jira qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.
Mail ayaa sheegaysa in kooxda PSG ay ku hogaaminayso saxiixa N’Golo Kante aduun lacageed dhan 20 milyan oo Ginni waxayna ka dhiganayaan bartilmaameed kooda koowaad ee suuqa xaggaaga.
Chelsea, Arsenal iyo Tottenham ayaa ka mid ah kooxo dhawr ah oo PSG ku ciriirinaya saxiixa 25 jirka reer France ee N’Golo Kante.
PSG ayaa rumaysan in isku daygooda ay ku guulaysan karaan maadama laacibku uu diyaar u yahay inuu dib ugu laabto magaaladii uu ku dhashay ee Paris taas oo ay ka dhisantahay.
Kooxda reer France ayaa ku fikiraysa in N’Golo Kante ay ku buuxiso booska Motta oo lagayaabo inuu ka tago kooxda dhamaadka xiliciyaareed kan.
Gool FM