(Madrid) 14 Abriil 2016. Antoine Griezmann ee xalay lugtiisa tartanka Champions League uga reebay kooxda faca wayn ee Barcelona ayaa aad uga niyad jabsan ugana xumaaday in xulka Faransiiska laga reebo Karim Benzema laakiin dhaliyaha Atletico Madrid ayaa ku kalsoon inay buuxin doonaan booskiisa tartanka Euro 2016.
Kaddib dhacdadii fadeexda Benzema ee cajaladii galmada ee laga duubay Mathieu Valbuena ayaa wuxuu xiriirka kubbada cagta Faransiiska go’aansday in Banzema laga reebo xulka.
“Waxaan ogaaday midaa intii aan saarnaa baskii aan ku imaaneynay garoonka, shaqsi ahaan, aad ayay murugo u tahay midan maxaa yeelay waan isku fiicnayn isaga garoonka iyo dibadiisaba.” RMC Sport ayuu sidaa u sheegay Griezmann.
“Shaqsi ahaan waa inaan tix galinaa dooqa dhankastaa. Waxaan isku dayi doonaa teena ugu fiican si aan u kaamilno Euro.
Sidaa ay tahay Griezmann wuxuu aaminsan yahay inay howsha sii cabi karaan Benzema la’aantii: “Benzema waa ciyaaryahan wayn, waa la tabi doonaa, laakiin waxaan heysanaa weeraryahanno kale waxaynu ku aragnay labadii kulan ee ugu dambeysay ee saaxbtinimo.
“Giroud and Dede [Gignac] ayaa ka dhigay inay shaqeyso, waynu aaminsannahay si adag ayaan u shaqeyn doonaa si aan u gudubno.
“Qofkasta ayaa noqon doona hogaamiyaha. Waynu arki doonaa waxa si fiican u shaqeeya farsamo ahaan, midka ciyaari doona waana hubaa inaan soo saari doono bandhig wayn.
“Waa wax wacan haddii wax badan la iga filayo aniga. Halkan (Atletico) sidoo kale wax badan baa la iga fishaa waana ku faraxsanahay midaa, ugu dambeyna waa uun ciyaaris kubbad cagta waana midaan isku dayi doono inaan sameeyo.”.
Gool FM.