(Moscow) 29 Maarso 2018 Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa war rasmi ah ka soo saaray eedeyntii loo soo jeediyay taageerayaasha xulka Ruushka.
Kulan xulka France uu 3-1 uga adkaaday xulka qaranka ee Ruushka ayaa lagu arkay arin aan la soo dhawayn oo taageerayaasha dalka Ruushku ay ku kaceen.
Qaar kamid ah ciyaartoyda madowga ah ayaa la kulmay cunsuriyad marwalba oo ay taabtaan kubadda markaas oo taageerayaashu ay u qaylinayeen si lamid ah daanyeerka.
Bayaan ka soo baxay FIFA ayaa lagu sheegay in dib loo eegayo kulankaas isla markaana la soo uruurinayo wixii macluumaad ah ee laga ogyahay in taageerayaasha xulka Ruushku ay cunsuriyeeyeen ciyaartoyda xulka France.
Haddii lagu helo taageerayaasha xulka Ruushka arinkaan lagu soo eedeeyay waxaa suurogal ah in FIFA ay ganaax culus dul dhigto xiriirka kubadda cagta ee dalkaas.
Gool FM