(Paris) 29 Maarso 2018 Kooxda PSG ayaa isku diyaarinaysa inay iska cayriso tababare Unai Emery kaas oo ku guul daraystay inuu Champions League u qaado kooxdiisa labadii xiliciyaareed ee uu joogay.
Milkiilaha PSG ayaa qaatay go’aankaas kadib markii kooxdu ay ku hartay wareega 16-ka labadii xiliciyaareed ee la soo dhaafay xili kooxda la galiyay lacag aad u xoogan.
Sida ay baahisay Football Italia, Maamulka PSG ayaa ku qancay in tababare ay u magacaabaan dhamaadka xiliciyaareed kaan Antonio Conte.
Sidoo kale, Maamulka ayaa hadal haaya tababarehoodii hore ee Carlo Ancelotti kaas oo qudhiisu doonaya inuu tababare ka noqdo horyaalka ingiriiska.
Dooqa koowaad ee PSG haatan waa Antonio Conte, laakiin kooxda ayaa u weecanaysa Carlo Ancelotti ama Thomas Tuchel midkood haddii ay ku fashilmaan dhamaystirka saxiixiisa.
Gool FM