(Paris) 30 Maarso 2018 Neymar ayaa dhaawacmay bishii February, laacibka ayaana kadib la marsiiyay qaliin dhanka anqowga ah xili la sheegay inuusan dib ugu ciyaarayn kooxdiisa xiliciyaareed kaan.
Laakiin warar ka imaanaya dalka Brazil ayaa sheegaya in laacibku uu dib ugu soo laabanyo kooxdiisa ka hor inta uusan dhamaan xiliciyaareed kaan.
Neymar ayaa la sheegay inuu dib ugu soo laabanayo kooxdiisa PSG muddo dhan 3-isbuuc, laacibka ayaana diyaar u noqon kara kulanka Final-ka ee koobka France.
Sida la sheegay Neymar ayaa dib ugu soo laabanaya kooxdiisa dhamaadka bisha April, wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Neymar ay suurogal tahay inuu kulankiisa ugu horeeyo u ciyaaro PSG kulan ay u safrayso kooxda Amiens 6-da bisha 5-aad.
Taas oo ka dhigan inuu ciyaarayo final-ka Fernch Cup oo la ciyaarayo 8-da bisha May.
Gool FM