(Paris) 30 Maarso 2018 Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa markii ugu horaysay ka hadlay wararka la xiriirinaya inuu isaga tagayo kooxdiisa PSG.
Saxaafada wax ka qorta suuqa ka la iibsiga ciyaartoyda ayaa marar badan ku cel celiyay in laacibku uu doonayo inuu ka tago PSG oo uu ku biiro Real Madrid.
Laakiin Neymar ayaa beeniyay warkaas, wuxuu xaqiijiyay inuu aad ugu faraxsan yahay kooxdiisa PSG isla markaana uusan diyaar u ahayn inuu ka tago.
“Waxaan u imid PSG si aan taariikh u la sameeyo laakiin wararka sheegaya inaan ka tagayo PSG waa kuwo aan xad lahayn” ayuu yiri Neymar.
“Waan faraxsanahay waana daganahay, laakiin ma jiro wax aan ku celin karo wararka been abuurka ah”.
Gool FM