Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Waa kee horyaalka ugu fiican adduunka…(Premier League, La Liga, Serie A, Bunesliga mise Ligue 1?

$
0
0

(Europe) 20 Abriil 2016. Ma jirto cid baartay amaba tira koob rasmi ah oo sheegaya horyaalka ugu shidan Yurub waqtigan laakiin jiiradda Marca ee ka soo baxda Spain ayaa jawaab ku siineysa iyo siday wax u aragto.

“Horyaalka ugu fiican adduunka, kan ugu saameynta badan, kan ugu xoogan, si fudud kan ugu fiican, hogaamiyaha horyaalka waa geesiga Champions League Barcelona labada ku xigtana waa labadii tagtay final ka CL ee 2014 Real Madrid iyo Atletico Madrid.”. Marca ayaa sidaa sheeganeysa.

Waxay intaa raacisay: “Barcelona 67-dhibcood, Aletico Madrid 76, Real Madrid 75 dhibcood, waxay ku dhibtoonayaan inay ku guuleystaan horyaalka ugu adag iskaba daayee kan ugu adag caalamka iyadoo ay shan kulan ka harsan tahay dhammaadkiisa.

“Horyaalka Ingiriiska, inkastoo ay Tottenham soo jartay farqiga u dhexeeya iyada iyo kooxda mucjisada ee Leicester City misane weli farqigu waa 5-dhibcood, halka kooxda saddexaad ee Man City ay aad uga fog tahay hogaanka.

“Horyaalka Jarmalka, Bayern Munich 7-dhibcood ayay dheertahay kan ugu soo dhow ee Dortmund, halka ay 20-dhibcood ka sarreyso Bayer Leverkusen oo saddexaad ku jirta.

“Horyaalada Faransiiska iyo Talyaaniga, sheekadoodu waxay shabahdaa sida sanadihii hore, PSG kol hore ayayba gacanta ku dhigtay horyaalka halka Juventus ay u muuqato mid ku dhow inay markale ku guuleysato Serie A.

shanta

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles