(Paris) 21 Abriil 2016. Zlatan Ibrahimovic waxa uu dhaleeceen kala kulmay tababare xigeenka Marseille Bsile Boli oo ku haysta in uusan qadarin u muujin Paris Saint – Germain taariiikhdeeda.
Swedishka hore waxa uu u yiri in kooxda ay xoog yeelatay kaddib markii uu ku soo biiray 2012, hada, daaficii hore ee Marseille kaas oo dhaliyey goolkii ay Champions League ku qaadeen 1992-93 hadana ah tababare xigeenka dhinaca ka dhisan Stade Velodrome, ayaa duqeeyey weeraryahanka.
“Waxaan rabaa in aan ku soo laabto hadalada Zlatan Ibrahimovic ee ku saabsan taariikhda PSG,” ayuu yiri kaddib markii ay Marseille u gudubtay Fiinaalaha Coupe de France.
“Ciyaaryahano badan oo waa weyn ayaa soo sharfay taariikhda kooxdan. Waxaan ahaa wiil kubad soo qabte ah marki aan daawan jiray Mustapha Dahleb iyo Safet Susic, kuwaas oo ciyaaryahano cajiib ah. PSG waxa ay horyaal noqotay iyaga oo uu wato Gerard Houllier. Waan in aan xushmad u muujinaa ragas.”
PSG waxa ay ku guuleysatay Ligue 1 lix mar, 1985-86 iyo 1993-94 ayey qaaday kahor afartii ugu dambeysay.
Gool FM.