(Yurub) 22 Abriil 2016 – Kuwaani waa shanta kooxood ee inta ugu badan shabaqooda oo nadiif ah garoonka ka baxay ama goolal badan shabaqooda ka difaacday xilli ciyaareedkan, marka laga hadlaayo shanta horyaalka ee ugu wayn qaaradda Yurub.
Kooxda reer Spain ee Atletico Madrid ayaa ah kooxda ugu badan ee shabaqeeda oo nadiif ah garoonka ka baxday xilli ciyaareedkan, waxaana ay iyadoo aan gool laga dhalin garoonka ka baxeen xilli ciyaareedkan 21 jeer.
Marwada duqda ah ee rajaynaysa inay hanato horyaalka Serie A ayaa iyaduna kaalinta labaad ka soo gashay kooxaha ugu badan ee shabaqood gool ka ilaashaday xilli ciyaareedkan, waxaana Juventus aan gool laga dhalin 20 kulan.
Waxaan ku xiga oo kaalimaha saddexaad iyo afaraad ku kala jira kooxda haysata horyaalka Bundesliga-ha dalka Jarmalka ee Bayern Munich iyo kooxda Faransiiska ee PSG kuwaasoo min 19 kulan garoonka ka baxay iyadoo aan gool laga dhalin.
Waxaana liiskan halka ugu hooseysa ka hoggaaminaysa, isla markaana u matalaysa horyaalka Ingiriiska kooxda Man United oo iyaduna shabaqeeda gool ka ilaashatay 17 kulan.
Shanka kooxood ee inta ugu badan shaqabooda gool ka ilaashaday shanta horyaalka ee ugu wayn Yurub ayaa waxa ay u kala horreeyaan sidan:-
Atletico Madrid (21)
Juventus (20)
Bayern Munich (19)
PSG (19)
Manchester Utd (17)
Gool FM.