(Paris) 20 Abriil 2018 Labada laacib ee ugu qaalisan kooxda PSG ee Neymar iyo Mbappe ayaa halis ku ah qorshaha kooxda ee koobka horyaalada yurub.
PSG ayaa lacago qaali ah ku soo qaadatay labadaan laacib taas oo halis galinaysa sharciga dhaqaale wanaaga ee kooxaha yurub.
Kooxo badan ayaa PSG ka dacweeyay UEFA kuwaas oo codsaday in Champions League laga ganaaxo kooxda reer France.
UEFA ayaa baaris ku bilowday habkii ay PSG u martay saxiixyada labadaas laacib, maanta oo jimco ah ayaana laga sugayaa maamulka PSG inay cadayn rasmi ah oo ku aadan labadaas saxiix u gudbiyaan xiriirka kubadda cagta ee Yurub.
Go’aanka UEFA ayaa soo bixi doona bisha June ee sanadkaan, PSG ayaana wadnaha farta ku haysa maadaama lacagahaas badan ay u bixisay si ay ugu guulaysato Champions League.
Gool FM