( France) 21 April 2018. Kadib markii uu shaaciyay Arsene Wengar inuu ka dhaqaaqayo naadiga Arsenal dhamaanka xagaagan hogaamiyahan ayaa eegaya inuu xirfadiisa kasii wato horyaalka France.
68 jirkaan waxaa lala xariirinayaa inuu wadahalo la furanyo kooxaha Paris Saint-Germain iyo kooxdiisii hore ee Monaco.
Arsene wenger ayaa xariir dhaw la leh maal qabeenka reer qadar ee kooxada PSG waxaana laga yabaa inuu shaqada kooxdaas qabto.
Macalinka hadda leyliya kooxda ee Unai Emery ayuu heshiiskiisa dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkan, balse lama qorsheenayo wax heshiis kor dhina in loo sameeyo xili uu kooxda u qaaday horyaalka Ligue 1 laakiin uu ku guuldareystay tartanka Champions League.
Wenger wuxuu horay u maamulay kooxda Monaco intii u dhaxeysay 1987 iyo 1994 ka hor intuu u dhaqaaqin dalka Japan kooxda ka dhisan ee Nagoya Grampus Eight.
Laakiin waa mid si weyn loola xariirinayo shaqada kooxda PSG sanadihii lasoo dhaafay.
Wargeyska SunSport ayaa shaaca qadaaday in Wenger ay ceyrin lahayeen Maamulka Arsenal maamada kooxdu ay mar kale weysayneyso kaalimaha sare iyo taageeri yari in badan soo wajahday kooxda garoonkeeda xagaagan.
Wenger mudda 22 sanaa ayuu arsenal maamulayay wuxuuna u qaaday sedax horyaala iyo todoba FA Cup.
Gool FM.