(France) 24 Abriil 2018 Majaladda France Football ayaa raaligelin ka bixisay in halyeeyga kooxda Barcelona Andres Iniesta aanu weligiis ku guuleysan abaalmarin xiisaha badan ee Ballon d’Or.
Pascal Ferre ee ah tafaftiraha Majaladda France Football ayaa maqaal uu qoray wuxuu cinwaan kaga dhigay “Waan ka xunahay Andres” isagoo kaga hadlay guulihii xidiga reer Spain ee Barcelona iyo xulka qaranka Spain.
Andres Iniesta ayaa la fahansan yahay in kooxda reer Catalonia uu kula soo guuleystay koobab fara badan ee muhiim ah, sidoo kale xulkiisa qaranka Spain uu kula soo guuleystay euro iyo kooba aduunka ee sanadkii 2010 uu hogaaminayay xulka La Rioja tababare Vicente del Bosque.
Ferre ayaa yiri: “Waan raaligelineynaa Iniesta, sababtoo ah ma uusan helin abaalmarinta Ballon d’Or xirfadiisa kubada cagta, Waxa uu sameeyay wax walba oo macquul ah kooxdiisa iyo xulkiisa, waa halyay weyn, sidoo kale waxaan ka raali gelineynaa halyeeyada kale iyo ciyaartoyda waa weyn ee aan helin abaal marintan”.
“Waa wax cajiib ah oo aan caadi aheyn in Andres Iniesta aanu ku guuleysan Ballon d’Or, waa wax laga xanuunsado isaga iyo dhamaan ciyaartoyda waa weyn ee aan naga helin abaal marintan, xanuunka aad dareensan tihiin sidoo kale waan idinla qabnaa, gaar ahaan Iniesta”.
“Waxay ahayd inuu ku guuleysti sanadii 2010, laakiin wuxuu kaga horyimid nuqul la mid ah sida Lionel Messi iyo Xavi. Waan ognahay inuu dhaliyay goolkii guusha ee koobkii aduunka, waana arin muhiim ah, lakiin Messi wuu ku guuleystay, sababtoo ah wuxuu sidoo kale sameeyay xilli ciyaareed gaar ah, hadii uusan Iniesta ahaan lahayn waxaan aaminsanahay in Messi uu ku daali lahaa kaligiis u ciyaaarista kooxda Barcelona, waxay nagu tahay ceeb in liiska ciyaartoyda ku soo guuleystay abaal marinta Ballon d’Or laga dhex waayo magaca Iniesta”.
Gool FM.