(Europe) 24 Abriil 2018. Warsidaha France Football ayaa soo saartay ciyaartoyda ugu mushaarka badan kubbada cagta adduunka ee xilli ciyaareedkan.
Jariiradda reer France waxa ay qiimeyntan ku salaysay, Mushaarka Guud, Lacagaha Bareemiyada ama Gunnada iyo xayaysiimaha.
Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa noqday laacibka ugu mushaarka badan kubbada cagta adduunka xilli ciyaareedkan sida ay qabto France Football kaasoo haysta 126 milyan euro oo wuxuu 32 milyan oo euro dheer yahay Cristiano Ronaldo oo ku soo xiga kuna jira kaalinta labaad, kaasoo haysta 94 milyan oo euro.
Neymar JR oo haysta €81.5m ayaa ku jira kaalinta saddexaad, Gareth Bale ayaa kaalinta afaraad ka soo muuqday, halka uu kaalinta shanaad soo xirtay daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique.
Haddaba halkaan hoose ka eeg 20-ka laacib ee ugu mushaarka badan kubadda cagta Adduunka kal ciyaareedkan, Sawirradooda iyo lacagaha Euro ahaan soo galay:-
#20 Manuel Neuer | Bayern Munich | Value: €20.8m
#19 Paul Pogba | Manchester United | €22m
#18 Robert Lewandowski | Bayern Munich | €22.2m
#17 Oscar | Shanghai SIPG | €22.2m
#16 Edinson Cavani | PSG | €22.5m
#15 Thomas Muller | Bayern Munich | €23m
#14 Karim Benzema | Real Madrid | €23.5m
#13 Alexis Sanchez | Manchester United | €23.55m
#12 Ezequiel Lavezzi | Hebei China Fortune | €25.3m
#11 Andres Iniesta | Barcelona | €25.5m
#10 Luis Suarez | Barcelona | €26m
#9 Antoine Griezmann | Atletico Madrid | €26m
#8 Zlatan Ibrahimovic | LA Galaxy | €26.8m
#7 Sergio Ramos | Real Madrid | €27.5m
#6 Toni Kroos | Real Madrid | €28.2m
#5 Gerard Pique | Barcelona | €29m
#4 Gareth Bale | Real Madrid | €44m
#3 Neymar | PSG | €81.5m
#2 Cristiano Ronaldo | Real Madrid | €94m
#1 Lionel Messi | Barcelona | €126m
Gool FM.