Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

RASMI: Unai Emery oo ka tagaya PSG dhamaadka xiliciyaareed kaan

$
0
0

(Paris) 27 Abriil 2018 Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emery ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda reer France dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Unai Emery ayaa sheegay inuu qaatay go’aan kaan kadib shir qaatay hal saac oo uu la yeeshay maamulka kooxda, sidoo kale subixii hore ee saaka ayuu go’aankiisa u sheegay ciyaartoyda kooxda.

46 jirkaan reer Spain ayaa laylinayay PSG 2-xiliciyaareed, laakiin wuxuu ku guul daraystay inuu kooxda dhaafiyo wareega 16-ka ee koobka horyaalada yurub.

“Madaxwaynaha, agaasimaha ciyaara kooxda iyo ciyaartoydaba waxaan u sheegay inaan ka tagayo kooxda, dhamaan waxaan uga mahadcelinayaa soo dhawayntii aan ka helay” ayuu yiri tababare Unai Emery.

“Kadib kulan saacad socday oo aan la yeeshay asxaabta (Maamulka kooxda), waxaan go’aansaday inaan si ixtiraam leh uga tago kooxda”.

“Xiliciyaareed keena waxaa nooga haray French Cup, waxaanan doonaynaa inaan ku guulaysano, dhamaan ciyaartoyda waxaan uga mahadcelinayaa xiliciyaareedkaan fiican, Champions League waa naga soo reebtay kooxda ugu fiican yurub ee Real Mdarid”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles