Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

“Haddii uu Alle idmo aniga iyo Neymar Real Madrid ayaan ka wada ciyaari doonaa”!!

$
0
0

(Madrid) 27 Abriil 2018 Xiddiga reer Brazil ee amaahda uga maqan kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa rajaynaya in isaga iyo Neymar ay saaxiib ku noqdaan garoonka Bernabeu.

Real Madrid ayaa la wareegtay Vinicius Junior oo haatan ah 17-jir, waxaana lafilayaa inuu si rasmi ah ugu soo dhaqaaqo Spain bisha Janaayo ee 2019.

Image result for Vinicius Junior Neymar

Vinicius Junior oo waraysi gaar ah siiyay The Guardian ayaa sheegay inuu rajaynayo in isaga iyo Neymar ay uwada ciyaaraan Real Mdarid, wuxuuna intaa ku daray in haddii taasi ay dhacdo inuu aad ugu farxi doono.

“Haddii uu Alle idmo aniga iyo Neymar waxaan ka wada ciyaaraynaa Real Madrid, riyadaydu waa inaan hal koox kawada ciyaarno, isagu waa laacibka aan ku daysado kubadda cagta, haddii aan helo fursad aan kula ciyaaro aad ayaan ugu farxi doonaa” ayuu yiri Vinicius Junior.

Hadalka Vinicius Junior ayaa imaanaya xili Neymar si wayn loo la xiriirinayo inuu ku biirayo Real Madrid.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles