(PSG) 27 Abriil 2018 Paris Saint-Germain ayaa dalab u dirtay macalinka Arsenal Arsene Wenger kaas oo kooxda ka tagi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay saxaafada dalka Faransiiska.
Sida laga soo xigtay websaytka “Le 10 Sport” ee dalka France Paris St Germain ayaa u soo bandhigtay Wenger inuu noqdo macalinka guud ee kooxda, mudo 4 sano ah.
Wenger ayaa ka tagi doona Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii uu 22 sanno jirsaday joogistiisa Emirates Stadium. 68-sano jirka Faransiiska ah ayaa muujiyay sida uu u jecel yahay inuu ka shaqeeyo kooxaha kubadda cagta ee Yurub.
PSG oo macalinkeeda Unai Emery dhawaan ku dhawaaqay inuu ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, ayaa doonaysa in Wenger uu gacan ka geysto dhismaha mustaqbalka kooxda.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in kooxda reer France ay dooneyso in ay macalinka kooxda ka dhigato Thomas Tuchel, halka Wenger uu ka caawin doono hadii uu aqbalo dalabka loo soo diray inuu maamulo arimaha kooxda oo ay ka mid yihiin sameynta saxiixyada cusub ay u baahan tahay kooxda. Wenger ayaa xiriir wanaagsan la leh madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi
Laakiin PSG ayaan u arkin Wenger inuu yahay tababaraha mustaqbalka ee kooxda, lakiin waxay uu doonayaan wada shaqeyntiisa inay ka faa’ideystaan waayo aragnimadiisa mustaqbalka soo aadan.
Gool FM.