(Paris) 27 Abriil 2018 Tababare Unai Emery ayaa galabta si rasmi ah u shaaciyay inuu ka tagayo PSG dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Laakiin wuxuu dardaaran qiimo badan siiyay laacibka dhaawaca uga maqan kooxda ee Neymar kaas oo qorshaynaya inuu ka tago kooxda reer France.
Unai Emery ayaa kula taliyay Neymar inuusan ka tagin PSG maadaama uu guul u arko mashruuca haatan ay wado kooxda.
“Neymar xiliciyaareedkiisii ugu horeeyay ayuu la qaadanayaa PSG, isbadalada tirada badan ee uu maray ma ahan kuwo fudud” ayuu yiri tababare Unai Emery.
“Markii uu ku biiray Barcelona, xiliciyaareedkiisii ugu horeeyay aad ayuu u adkaa, waxa halkaan uu kala kulmayna waa wax iska dabiici ah, gaar ahaan dhaawicii waynaa ee soo gaaray”.
“Neymar halkaan hormar badan ayuu ku samaynayaa, wuu awoodaa inuu ku gaaro dhamaan hadafkiisa shaqsiyadeed, waan ku kalsoonahay in mashruuca kooxdu uu guulaysan doono haddii uu sii joogo”.
Gool FM