Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Wenger oo iska diiday dalab uga yimid PSG si uu tababare ugu noqdo ……!

$
0
0

(Paris) 01 Maajo 2018 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa iska diiday dalab ka soo gaaray kooxda PSG ee dalka Faransiiska.

PSG ayaa heshiis la gaartay tababare Thomas Tuchel si uu badal ugu noqdo Unai Emery oo ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxdiisa dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Image result for Wenger PSG

Maamulka PSG ayaa badalay maankooda kadib markii Arsene Wenger uu dhankiisa ku dhawaaqay inuu ka tagayo Arsenal dhamaadka xiliciyaareed kaan kadib 22-sano oo uu laylinayay kooxda reer ingiriis.

Daily Star ayaa daaha ka qaaday in Arsene Wenger uu iska diiday inuu tababare u noqdo PSG, taa badalkeeda wuxuu u diyaar garoobayaa inuu layliyo xulka qaranka Faransiiska koobka adduunka kadib.

Everton ayaa sidoo kale dadaal ugu jirta in tababare Wenger ay la wareegto, sidoo kale dalab uu ku noqonayo tababaraha ugu mushaarka badan adduunka ayaa ka soo gaaray horyaalka shiinaha.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles