(Paris) 01 Maajo 2018 Weerar yahanka kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa sheegay magaca laacib ka tirsan kooxda Chelsea oo uu doonayo inuu saaxiib ku la noqdo kooxdiisa.
Kylian Mbappe oo waraysi gaar ah siiyay L’Equipe ayaa aad u amaanay xiddiga qadka dhexe ee Blues iyo xulka France ee N’Golo Kante.
Wuxuu sheegay inuu yahay laacib aad ugu haboon PSG isla markaana ah laacib ay aad ugu baahi qabto kooxdiisa.
“Waa N’Golo Kante, marka la fiiriyo baahida aan u qabno iyo nuuca laacib ee uu yahay, si cajiib ah ayuu ugu haboon yahay kooxdeena” ayuu yiri Kylian Mbappe.
“Waa xiddig Faransiis ah, aad ayeey u fiican tahay haddii uu nagu soo biiro, horyaalkeenu si aad ah ayuu u soo jiidanayaa ciyaartoyda Faransiiska ah”.
“Waxaan rumaysanahay in dhamaan ciyaartoyda Faransiisku ay jecelyihiin Kante, aad ayaan ugu farxi doonaa haddii uu nagu soo biiro”.
Gool FM