(PSG) 02 May 2018. Marco Verratti ayaa albaabada u furay suurtagalnimada uu Paul Pogba ku imaan karo kooxda reer France ee PSG maadaama la shaki galinayo mustaqbalkiisa kooxda Manchester United.
Laacibka xulka qaranka Italy ayaa la hadlay shabakada ESPN: “Waa xaqiiqo in wax walba ay sahlanaan doonaan, marka ay dhacdo inaad ka ciyaarto dhamaan ciyaartoyda waa weyn, sida Pogba oo kale”.
“Waxaan qabaa inay caadi tahay in dhamaan ciyaartoyda waaweyn ay doonayaan inay yimaadaan kooxda Paris-Saint-Germain, sababtoo ah waa koox leh mashruuc muuqda, kaasoo ka duwan kooxaha waa weyn qaaradaYurub”.
“Mar walba waa la soo dhaweyn doonaa, lakiin waan in taas badalkeeda ay qabtaan shaqo adag si ay kooxda ugu caawiyaan inay ku guuleysto koobab”.
Gool FM.