(PSG) 02 May 2018. Xidiga khadka dhexe koxoda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka Argantina Ángel Di María ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, in Lionel Messi uu isku dayay inuu ka dhaadhiciyo ku biirista kooxda Barcelona.
Wargeyska “Sport” ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu Ángel Di María siiyay majalada “France Football” kadib markii uu u sheegay “Waxaan horay u helay dalabyo dhowr ah, maalmihii ugu dambeeyay ee suuqii xagaagii lasoo dhaafay”.
“Ugu horeyn PSG ayaa qiimeesay dalabkan, laakiin wadahadaladii ayaa la joojiyay sababa la xiriira dhanka dhaqaalaha”.
“Messi ayaa ila soo xiriiray, waxaana uu i weydiistey waxa dhacaya, marka la eego wararka igu saabsan ee ah ku aadan inaan ku biirayo kooxda Barcelona”.
Ángel Di María ayaa la weydiiyay in Lionel Messi uu sameeyay isku day uu ugu qancinayo inuu xirto maaliyada kooxda Barcelona, wuxuuna Di María jawaab celin kaga dhigay: “Maya… marnaba”
Gool FM.