(PSG) 03 May 2018. Unai Emery ayaa ka hadlay sida uu xidiga xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr aad muhiim ugu yahay darbiyada kooxda Paris – St Germain, tan iyo markii uu soo caga dhigtay.
Wargeyska “L’Equipe” ee dalka France kasoo baxa ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu bixiyay macalinka kooxda PSG Unai Emery, kadib markii uu ka hadlay sida uu muhiim ugu yahay Neymar kooxda PSG.
“Hogaamiyaha kooxda Barcelona waa Lionel Messi, Atletico Madrid waa Diego Simeone, sidoo kale Real Madrid hogaamiyaheeda waa Florentino Perez, taas waxay ku tusineysa in hogaaminta kooxda ay ka kooban tahay qeybo kala duwan, macalin ilaa iyo madaxweynaha kooxda”.
“Waan ka warqabaa waqtiyada qaar inaan dareemayo inaan ahay hogaamiyaha waxyaabo badan, mararka qaarkoodna tababaraha waa inuu ogaadaa xadka uu leeyahay xilka uu ku dhex leeyahay kooxda”.
“Waan arkaa in hogaamiyaha kooxda Paris Saint-Germain uu yahay Neymar Jr, waana in ka badan sida uu doonayay, sababtoo ah wuxuu halkan u yimid in uu kaalinta 1aad ka galo adduunka”.
“Waxaa laga yaabaa inay waqti qaadato, sidoo kale waxaan arkeenaa in hogaamiyaha kooxda Manchester City uu yahay macalinka reer Catalonia ee Pep Guardiola”.
Gool FM.