Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Juventus oo labo xiddig ka doonaysa PSG

$
0
0

(Torino) 04 Maajo 2018 Juventus ayaa suuqa u galaysa soo xerogalinta labo laacib oo u ciyaara kooxda PSG dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Wargayska TuttoSport ayaa daaha ka qaaday in tababare Allegri uu diirada saartay labo laacib oo muhiim u ah kooxda reer France suuqa xaggaagan.

Image result for Thomas Meunier Di Maria

Bartilmaameedka koowaad ee Juventus ayaa ah xiddiga aan booska joogtada ah ka haysan PSG ee Thomas Meunier kaas oo daafaca uga ciyaara kooxda reer France iyo xulka Belgium.

Laacibka labaad ee Juventus ay ka doonayso PSG ayaa ah Angel Di Maria kaas oo qudhiisa aan boos joogto ah ka haysan kooxda reer France tan iyo markii ay kooxdu soo iibsatay Neymar.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles