Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

RASMI: Koscielny oo seegaya koobka adduunka

$
0
0

(London) 05 Maajo 2018 Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Laurent Koscielny uu seegayo koobka adduunka.

Kabtan ku xigeenka Arsenal ayaa ku dhaawacmay kulankii kooxdiisa looga adkaaday khamiistii 1-0 Semi Final-ka Europa League.

Laacibka ayaa si lama filaan ah dhulka ugu dhacay xili uusan haysan kubadd isla markaana uusan jirin laacib taabtay, dhaawiciisa ayaana ahaa mid si iskiis ah ugu dhacay.

“Dharbaaxo xoogan ayaa soo gaartay xulka, Koscielny waa hogaamiye goob joog ahaa koobkii adduunka ee Brazil iyo kii Euro 2016, waa laacib u bartay inuu ciyaaro kulamada waa wayn ee xulka” ayuu yiri Deschamps.

“Waan ka xumahay wixii ku dhacay Koscielny waayo koobka adduunka 2018 muhiim ayuu u ahaa xirfadiisa, waxaan rajaynayaa inuu muujiyo geesinimo, waana inuu si fiican ugu soo laabtaa garoomada, waayo wali waxaa u harsan holw fiican oo uu qaban lahaa”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles