( France ) 05 Maajo 2018. Macalinka xulka qaranka France Didier Deschamps ayaa dib u dhigay magacaabista xiddigaha koobka adduunka ku matalaya.
Go’aanka dib u dhaca ayaa ah ilaa finalka Europa League oo ay qeyb ka yihiin cayaartoy France u dhalatay.
Xiriirka kubadda cagta France ayaa sheegay in ogaankan dib loogu dhigay magacaabista cayaartoyda uu yahay in aysan dhicin walwal ku aadan xiddiga Frence ee kooxda Marseille oo ka hor imaan doona finalka Europe League dhigooda Atletico Madrid.
Naadiga Marseille ayaa markii ugu horeysay gaartay finaalka tartamada yurub muddo 14 sanaa kadib markii ay gareen kooxda Salzburg maalintii khamiista.
Dhawr cayaartoy oo kooxda Marseille, oo ay kamid yihiin Steve Mandanda, Florian Thauvin, Dimitri Payet, Adil Rami iyo Bouna Sarr, ayaa fursad u heysta in ay kamid noqdaan xiddigaha uu u xulanayo safkiisa koobka adduunka Deschamps
Sido kale weeraryahanka Atletico Antoine Griezmann ayaa kamid ah cayaartoyda la filayo in ay u safraan Russia kasoo kooxdiiso ay gaartay finalka Europe League.
Xiriika France ayaa sheegay in Deschamps uu shaacin doono xulashada cayaartoyda uu doonayo inuu kaga qeyb galo koobka adduunka 17 bishaan, waana maalin kadib finalka Europa League ee ka dhici doona Lyon.
Xulka France ayaa kamid ah dalalka ugu cadcad ee matalaya dhacadada Russia ka bilaaban doonta 14 June waxa ayna ku guruub yihiin xulalka Australia, Peru iyo Denmark.
Gool FM.