(Paris) 05 Maajo 2018 Neymar ayaa shalay gaaray caasimada faransiiska ee Paris si uu u dhamaystiro ka soo kabashadiisa qaliinkii uu maray.
Le Parisien ayaa baahisay in Neymar uusan wax kulan ah u ciyaari doonin kooxdiisa PSG, balse wuxuu u yimid si uu kooxda ugula dabaal dago horyaalka.
Laacibka ayaa tarabuunka ka daawan doona kulanka Final-ka Frech Cup ee kooxdiisu ay ciyaarayso talaadada, wuxuuna u yimid inuu farxada la wadaago kooxdiisa.
Neymar ayaa haatan xooga saaraya sidii uu taam buuxda ugu noqon lahaa kulanka wareega guruubyada ee koobka adduunka maadaama uusan kulan kale u ciyaari doonin kooxdiisa xiliciyaareed kaan.
Gool FM