(Paris) 05 Maajo 2018 Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa shalay soo gaaray caasimada Faransiiska ee Paris si uu u dhamaystiro soo kabashadiisa.
Laacibka ayaa muddo ku maqnaa dalkiisa kadib qaliin looga sameeyay anqawga oo uu dhaawac ka soo gaaray, wuxuuna haatan bilaabay tababarka fudud.
Neymar ayaa ka farxiyay taageerayaasha xulka Brazil kadib markii saaka uu qolka jirdhiska ku sameeyay tababar fudud.
Sidoo kale, laacibka ayaa tababar gaar ah ku qaatay bacaadka si loo hubiyo in lugtiisu ay ka soo kabatay qaliinkii lagu sameeyay.
Waxaana la filayaa 100% inuu si buuxda taam ugu noqon karo xulkiisa koobka adduunka oo bilaaban doona bisha dambe.
Gool FM