(Real Madrid) 06 May 2018. Laacibkii hore xulka qaranka Brazil José Edmílson ayaa sheegay inaysan la yaab ku noqon doonin haddii uu Neymar ku biiro kooxda Real Madrid suuqa kala iibsiga ee soo aadan,
Neymar ayaa lala xiriirinayay xiliyadii lasoo dhaafay inuu dib ugu laaban doono horyaalka La Liga si uu ugu biiro kooxda Real Madrid oo xiisa balaaran ka muujineysa.
“Qaabka uu Neymar uu kaga soo dhaqaaqay kooxda Barcelona waxay igu noqotay layaab, laakiin layaab iguma noqon doonto hadii ay dhacdo in markan uu u dhaqaao kooxda Real Madrid ka dib Koobka Adduunka”.
“La Liga wuxuu weyn doonaa Iniesta kadib marka uu ka dhaqaaqo Barcelona dhamaadka xili ciyaareedkan, Andrés Iniesta wuxuu taariikh ka sameeyay Barcelona”.
Gool FM.