Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Neymar oo wal walsan ka hor koobka adduunka

$
0
0

(Paris) 17 Maajo 2018 Neymar oo wali ka soo kabanaya dhaawicii soo gaaray bishii February ee sanadkaan ayaa cabsi dareemaya ka hor koobka adduunka.

Xiddigaan ayaa qayb ka ah ciyaartoyda loo soo xushay in xulka Brazil ay ku matalaan koobka adduunka ee sanadkaan lagu qabanayo Ruushka.

Wuxuu sheegay inuu wal wal iyo cabsi dareemayo maadaama uu ciyaarayo kubadda cagta 3-bil kadib dhaawicii soo gaaray.

“Dhaawacaan waa mid aad u adag, loolanka ugu culus ee aan wajahayo waqtigaan waa ciyaarida koobka adduunka kadib 3-bil oo aan garoomada ka maqnaa” ayuu yiri Neymar.

“Wal wal ayaan ka qabay in aanaan ku soo caafimaadin waqtigii loogu talo galay, markii raajada la i saaray ayaa la ii sheegay inaan u baahanahay qaliin iyo waqtiga aan soo caafimaadayo, markaas ayaan dagay”.

“Wax wayn ayaan filayaa haatan, ma ahan aniga oo kaliya ee xitaa taageerayaasha, sidaas darteed loolankii ugu waynaa xirfadayda ayaan wajahayaa”.

Gool FM

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles