(Barcelona) 18 Maajo 2018. Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Barcelona Javier Bordas ayaa wuxuu ka hadlay wararka ku aadan in xidiga kooxda PSG Neymar Jr uu ku biirayo Real Madrid suuxa xagaaga.
Mundo Deportivo ayaa sheegay in Javier Bordas uu sheegay in Barcelona aysan waxba u arkin koox kasta uu Neymar Jr heshiis la gaaro maadaama uusan haatan ka tirsan kooxdooda.
“Neymar Jr wuxuu la saxiixan karaa kooxda uu doono, shakhsiyan, ma doonayo inaan u dhaqaaqo Real Madrid”.
“Sida muuqata kuma faraxsana kooxda PSG, mar hore ayaan ka war qabnay arintaas. Wuxuu ahaa mid aad ugu fiican Barcelona, waxaan ku kalsoonahay inuu si aad ah uga qoomameynayo go’aankii uu kaga dhaqaaqay kooxda Barcelona”.
Gool FM.