(Liverpool) 22 Maajo 2018 Liverpool ayaa dadaal xoogan ugu jirta dhamaystirka saxiixa laacibka kooxda Lyon ee Nabil Fekir suuqa xaggaagan.
Wararka ka imaanaya France ayaa sheegaya in Liverpool ay aad ugu dhawdahay dhamaystirka saxiixa xiddigaan 24-jirka ah.
Laakiin Madaxwaynaha kooxda Lyon ayaa u sheegay Liverpool inay bixiso lacag fara badan haddii ay doonayso saxiixa Nabil Fekir.
“Ma jiro xiriir na dhex maray anaga iyo Liverpool oo ku aadan saxiixa Nabil Fekir, waa inaad ahaataa koox hodan ah si aad ula wareegto xaggaagan” ayuu yiri madaxwaynaha kooxda Lyon.
Wuxuuna intaa ku daray in kooxdiisu aysan ku qasbanayn iibka Nabil Fekir suuqa xaggaagan, wuxuuna u cadeeyay Liverpool in kooxdiisu ay ka saxiixayso heshiis cusub xiddigeeda.
Gool FM