Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

PSG oo ka dul qaadaysa Manchester United saxiix wayn

$
0
0

(Paris) 22 Maajo 2018 Kooxda PSG ayaa ka dul qaadaysa kooxda Manchester United saxiix wayn suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Tababare Jose Mourinho ayaa bartilmaameed ka dhiganayay weerar yahanka kooxda Shakhtar ee Fred kaas oo sidoo kale diirada u saaran Man City.

Image result for Fred PSG

Metro ayaa daaha ka qaaday in tababare Mourinho uu ka jeestay saxiixa weerar yahanka 25 jirka ah ee Fred, taas oo wadada u furaysa PSG.

Xiddiga reer Brazil ayaa haatan ku fikiraya inuu aqbalo dalab wayn oo ka soo gaaray PSG si uu ula midoobo asxaabtiisa ay isku dalka yihiin ee Neymar iyo kabtan Silva.

Qandaraaska Fred ee kooxda Shakhtar ayaa lagu burburin karaa lacag dhan 53 milyan oo Ginni.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles