(Lyon) 27 Maajo 2018. Weeraryahaka kooxda Lyon iyo xulka qaranka France Nabil Fekir ayaa ka baxay aamusnaanta si uu kaga warbixiyo xaqiiqada ku aadan inuu ku dhow yahay ku biirista kooxda Liverpool.
Warar soo baxaya ayaa sheegayay in Liverpool ay ku dhowdahay inay 60 milyan oo ginni kula soo wareegto kubad sameeyaha reer France Nabil Fekir, si uu u noqdo badalka Philippe Coutinho, kaasoo ku biiray kooxda Barcelona bishii Janaayo.
Si kastaba ha ahaatee Nabil Fekir ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga warbixiyay: “Ma ihi mid u dhowr kooxda Liverpool, laakiin waa run in ay jiraan wadahadalo ku aadan dhowr kooxood, sida aan horay u sheegay, waxaan heli doonaa waqti igu filan aan ku fikiri karo kahor inta aanan gaarin go’aanka kama dambeysta ah halka aan u dhaqaaqi doono”.
“Muhiim ma ahan hadii aan heshiis u saxiixo koox iyo hadii kaleba, kahor koobka aduunka, waxaan wax walba la go’aamin doonaa maalmaha soo aadan”.
Gool FM.