(Arsenal) 27 Maajo 2018. Tababarihii hore kooxda Paris Saint-Germain, isla markaana haatan loo magacaabay macalinka cusub ee kooxda Arsenal Unai Emery ayaa qirtay in xidiga reer Brazil ee Neymar Jr uu yahay hogaamiyaha kooxda Paris Saint-Germain.
46 jirkan ayaa aaminsan in ka tagista Neymar ee kooxda Barcelona ay sabab u ahayd si uu u xakameeyo xaalada kooxda Paris Saint-Germain, sababa la xiriira inuusan awoodin in door muuqda uu ku yeesho kooxda Barcelona maadaama uu joogo Lionel Messi.
“Waan ogahay marka aan ahay qofka ugu sareeya ee kooxda, iyo marka aanan ahay”.
“Neymar wuxuu u yimid PSG inuu noqdo hogaamiye, isla markaana uu maalin u noqdo kan ugu fiican aduunka, Manchester City waxaa hogaamiye ka ah Pep Guardiola, PSG-na waxaa muhiim ah inuu hogaamiyo ka noqdo Neymar”.
Si kastaba kooxda Arsenal ayaa ku dhawaaqday in Unai Emery uu yahay macalinka cusub ee kooxda, kadib markii uu ka dhaqaaqay Arsène Wenger dhamaadka xili ciyaareedkii dhawaan lasoo gaba gabeeyay.
Gool FM.