(Madrid) 30 Maajo 2018 Cristiano Ronaldo ayaa loo soo bandhigay mushaar uu kula mid noqonayo Lionel Messi kaas oo haatan ah laacibka ugu mushaarka badan adduunka.
AS ayaa daaha ka qaaday in PSG ay u diyaar garowday dhamaystirka saxiixa Cristiano Ronaldo kadib hadaladii ka soo yeeray Final-kii Champions League.
PSG ayaa diyaar u ah inay siiso Ronaldo mushaar dhan 45 milyan oo euro sanadkii si uu u la mid noqdo Lionel Messi.
Qorshaha Nasser Al-Khelaifi ayaa ah abuurida weerar halis ah oo ka kooban Ronaldo, Neymar iyo Mbappe, wuxuuna diyaar la yahay inuu Real Madrid siiyo 150 milyan oo euro si uu uga soo qaato Cristiano.
Dhibaatada kaliya ee PSG ay wajahayso ayaa ah rabitaanka Real Madrid ee ah in heshiiska uu qayb ka noqdo Neymar taas oo ka hor istaagi karta inay helaan weerar yahanka reer Portugal.
Sidoo kale, sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub ayaa caqabad ku noqon kara kooxda reer France.
Gool FM